ileys tower

Press Releases

BANDHIGA SHAHAADADA CAALAMIGA AH EE ISO 9001 2015 CERTIFICATE

Wed Dec 28 2022

SHAACINTA HANASHADA SHAHAADADA CAALAMIGA AH EE ISO 9001:2015

Shirkadda Ileys Enterprises ayaa ku faraxsan inay bulshada Somaliland usoo bandhigayso guusha ay gaartay inay noqotay shirkaddii ugu horraysay ee reer Somaliland oo heli karta shahaadada caalamiga ah ee ISO 9001:2015 ee hubinta tayada iyo maamul-wanaagga. Shahaadadan ayaa loo siiyay shirkadda Ileys Enterprises iyadoo loo marayo hay'adda caalamiga ah ee magaceeda la yiraahdo Bureau Veritas oo saldhigeedu yahay dalka Ingiriiska.

Shirkadda Ileys Enterprises waxay maanta usoo bandhigaysaa saxaafadda iyo bulshada Somaliland inay hadda noqonayso shirkad caalami ah oo heli karta shahaadadan muhiimka ah ee ISO 9001:2015. Shirkadda Ileys Detergent Industry Corporation ayaa ku guulaysatay sanadkan gudihiisa, iyadoo markii hore diyaarinta agabka nadaafadda iyo horumarinta shaqooyinka iyo maamulka ay kala duwanaayeen.

Guusha shahaadadan caalamiga ah waxay u muuqataa mid ka mid ah dadaalladii shirkaddu ku jirtay inay horumariso dhinacyada tayada waxsoosaarka, horumarinta tanidaamka shaqada iyo maamulka, kor-u-qaadista aqoonta iyo xirfadaha shaqaalaha, sugidda badda qabka shaqada iyo shaqaalaha, iyo hanashada qancinta macaamiisha.

Ileys Enterprises waxay ku dadaalaysaa sidii ay u sii wadi lahayd horumar joogto ah oo ku saabsan dhinacyada tayada waxsoosaarka, horumarinta tanidaamka shaqada iyo maamulka, kor u qaadista tababarrada, aqoonta iyo xirfadda shaqaalaha, sugidda badqabka shaqada iyo shaqaalaha, iyo hanashada qancinta macaamiisha. Shirkaddani waxay u hawlgalaysaa sidii ay u sii horumarin lahayd dhammaan dhinacyadaas iyadoo loo eegayo inay xoojiso horumarinta shirkadda, geed dheer oo ay ku fidi karto Somaliland, wadamada Geeska Afrika iyo dhammaan caalamka.