WERSHADA ILEYS DETERGENT INDUSTRY CORPORATIONS

Wafti Baarlamaanka Somaliland Ah Oo Booqday Wershada ILEYS DETERGENT INDUSTRY CORPORATION BURAO.

Mon May 15 2023

Wafti ka mida Baarlamaanka Somaliland oo ay weheliyaan Badhasaabka gobolka Togdheer iyo Golaha degaanka Burao ayaa saaka soo booqday Wershada ugu wayn Geeska Africa ILEYS DETERGENT INDUSTRY CORPORATION. Wershada ILEYS oo soo saarta Dhamaan Alaabada Nadaafada noocyadooda kala duwan. Sida Sabuunta Taydha, Saabunta Dharka iyo Jidhka, Shaambooyada Dharka, Saabuunta dareeraha Faraxalka iyo Jaafeelka.

Waftiga Baarlamaanka Somaliland, Badhasaabka Gobolka Togdheer iyo Golaha Degaanka Burao Waftiga Baarlamaanka Somaliland, Badhasaabka Gobolka Togdheer iyo Golaha Degaanka Burao

Maamulka Sare ee Wershada ILEYS Mr NOUR DUALE DIRIYE wuxuu warbixin ku siiyay waftigaas indho indhaynta ahaa ee soo booqday wershada inay mudooyinka soo socda wershada wax soo saarkeeda hakin ku samayn doonaan. Sababta loo hakinayaana ay tahay markii Xukuumada Somaliland ay hada ku soo rogtay cashuuro la xidhaadha Alaabada Raw Materials laga sameeyo waxsoosaarka wershada. Hore waxay wershadu ku shaqayn jirtay cashuur dhaaf loogu sameeyo Rawmaterials laga sameeyo alaabada.

Gudoomiyaha Wershada ILEYS MR NOUR DUALE DIIRIYE Gudoomiyaha Wershada ILEYS MR NOUR DUALE DIIRIYE

Gudoomiye Nour wuxuu kaloo carabka ku dhuftay in Wershadu ay ka hawl galaan Shaqaale kor u dhaafaya 300 oo qof. gudoomiyuh wuxuu carabka ku adkeeyay hadii aan cashuur dhaafkaas la helin inaanay wershadu awoodi karin inay sii joogtayso waxsoosaarkeeda baaxada leh islamarkaana aanay suuqyada kula tartami karin Saabuunaha ka soo dega dekadaha wadanka.

Waftida Baarlamaanka iyo Golaha Degaanka Burao iyo Operations Guud ee Shirkada ILEYS Waftida Baarlamaanka iyo Golaha Degaanka Burao iyo Operations Guud ee Shirkada ILEYS

Ugu Danbayn Waftida Baarlamaanka iyo Maamulka Gobolka Togdheer Badhasaabka iyo Golaha Degaanka Burao waxay si cod dheer ah ugu direen Baaq deg deg ah xukuumada inay dib u eegis ku sameeyaan takaaliifka Cashuuraha lagu soo rogay Rawmaterial Alaabada Wershadu Farsamayso.

Xildhibaan Food, Madaxa Saleska iyo Xubin Gole Degaan Suldaan iyo ILEYS Product Xildhibaan Food, Madaxa Saleska iyo Xubin Gole Degaan Suldaan iyo ILEYS Product

Overview ILEYS Packing Section Overview ILEYS Packing Section
LIQUID DETERGENT PRODUCT: Shaambooga Gaari LIQUID DETERGENT PRODUCT: Shaambooga Gaari
BAR SOAP PRODUCTION LINE: Saabuunta Dharka SAFI BAR SOAP PRODUCTION LINE: Saabuunta Dharka SAFI
Packing Production Lines Packing Production Lines
Production Pipeline Hilaac 5KG*50GRM Production Pipeline Hilaac 5KG*50GRM